4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo wajahaysa dib u dhac kale
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Doorashada madaxweynenimada Soomaaliya oo lagu waday inay dhacdo 10 -ka Oktoobar ayaa dib u dhac uu ku imaandoonaa, taasoo laga yaabo inay sii xoojiso kala qaybsanaanta siyaasiyiinta dalka.

“Qof walba wuu arkaa in dib u dhac uu ku imaan doono doorashada madaxweynaha,” afhayeenka xukuumada federaalka Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sidaasi sheegay talaadadii shalay.

Afhayeenka xukuumada ayaa u sababeeyay dib-u dhaca qabsoomida doorashada madaxweynaha, dhameystir la’aanta doorashooyinka aqalka sare oo la rabay in ay soo gabagaboobaan bishii July ee lasoo dhaafay.

Doorashada aqalka hoose oo aan weli la bilaaban ayaa qorshuhu ahaa in la qabto ugu dambayn tobanka bishii September ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo wada shaqayntoodu muhiim u ahayd geeddi socodka doorashada, ayaa khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyaa, khilaafkaas oo ka dhashay kiiskii ikraan Tahliil Warsame.

Raysal wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu mar kale maalmaha soo socda isugu yeero madaxeweynayaasha dowlad goboleedyada, si mar kale heshiis siyaasadeed looga gaaro wax ka bedealka jadwalka doorashada.

Beesha caalamka ayaa dhankooda aad uga walaacsan dib u dhaca doorashada, iyagoo ka digay in ay arrintaas horseedayso qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara xasiloonida iyo soo kabashada dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online