3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 13, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare badan geystay oo lala eegtay ciidamada Kenya
 

Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare xoogan geystay oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Militariga dalka Kenya oo ku socdaalayay deegaano ka tirsan gobolka Lamu.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo laga hago meelaha fog fog ayaa haleelay gaari ay saarnayeen ciidamo Kenyaan ah xili ay marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Baargooni iyo Milimani ee gobolka Lamu.

Wararku waxay sheegayaan inuu qaraxa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada lala beegsaday, walow aanan la ogeyn inta uu dhan yahay khasaaraha uu geystay qaraxaasi.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa miino ee lala eegtay ciidamada kenya oo ay sheegeen iney ku dhinteen ilaa 14 askari oo saarnaa gaariga uu haleelay qaraxa miino.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamada Kenya oo ku saabsan qaraxa miino ee ay Al-shabaab sheegeen iney ku dileen 14 askari sidoo kalana dhaawacyo ku gaarsiiyeen ciidamo ka tirsan Militariga dalka kenya oo ku safraayay inta u dhaxeeysa deegaanada Baargooni iyo Milimani ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/13/2021 12:40 PM EST
Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay heshiiskii isfahamka ee MOU oo ay Xukuumaddiisii la gashay dowladda Kenya sanadkii 2009-kii ayaa sheegay in madaxweynahii xiligaas Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu wax ka ogaa heshiiskaasi.

10/13/2021 11:14 AM EST
Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Meel u dhaw degaanka Horuhowd oo ka tirsan degmada Shabeelley ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka dhacday dhacdo aad u xanuun badnayd kaddib markii 4 wiil oo walaalo ahaa ay ku wada geeriyoodeen ceel biyood afka ka banaanaa oo la dumay.

10/13/2021 11:01 AM EST
Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula yeeshay aalada Fogaan Araga, wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga go'aan ka gaaristii kiiska dacwada Badda ee Maxkamada Aduunka ICJ.

10/13/2021 9:37 AM EST
Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Wasaarada arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa hakisay qabashada fadhiyada aan caadiga ahayn ee golayaasha deegaanada Somaliland, waxaana lagu eedeeyay in ay bilaabeen mooshino deg deg ah oo xilalka lagaga qaadayo mayarada.

10/13/2021 7:42 AM EST
Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Dadka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee kasoo jeeda gobolada koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa bilaabay in ay albaabada u laaban goobahooda ganacsiga, iyagoo isku diyaarinaya amar lagusoo rogay oo ah in ka baxaan Somaliland.

10/13/2021 4:56 AM EST
Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Shirkada lagu magacaabo CDC ee maalgalinta u qaabilsan dowlada Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqday in ay 320 milyan oo dollar ku maalgalinayso 3 dekedood oo ay ku jirto Dekedda Berbera.

10/13/2021 2:29 AM EST
Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay Kenya inay “ixtiraamto sharciga caalamiga ah” ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay ay Soomaaliya u xukuntay inta badan bad-weynta gaaska hodanka ku ah ee Hindiya.

10/13/2021 2:16 AM EST
Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin ay ka jiraan qeybo kamid ah deegaanada Jubaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda Jubaland, taasoo qatar ku ah nolosha dad badan oo kamid ah bulshada ku dhaqan deegaanada maamulka Jubbaland.

10/13/2021 2:00 AM EST
Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa rajo xumo ka muujiyay xukun ay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ka soo saartay muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.