3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2021
Madaxweyne Biixi "Hablaha waanu difaacaynaa ganacsigooda iyo xoriyadoodaba"
 

Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu difaacayo xoriyada iyo ganacsiga ay hablaha reer Somaliland leeyihiin, isagoo dad aanu carabaabin ku eedeeyay in ay doonayaan in ay burburiyaan ganacsiga haweenka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dumarku ku dulmanyihiin, dhaqanka Soomaalida, isla markaana, uu xukuumadiisa kasiin kariwaayay qaybtii ay ku lahaayeen cadaadis bulshada kaga yimid awgii.

"Dumarku way ku dulmanyihin marka aynu wax maamulayno, dhaqankeenu wali hablaha wuu riixayaa, sadkii ay ku lahaayeen xukuumadayda waan kasiin kari waayay waayo umada ayaa igaga hortimid, qaar badan oo is dhisay oo mutacalimiin ah ayaa jooga oo mudnaanta raga lasiiyo lama siiyo" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in raga qaarkii ay weerar ku yihiin, dumarka ganacsiyada leh, isagoo sheegay in ka madaxweyne ahaan uu difaacayo isla markaana, uu garab taaganyahay.

"Waxa soo baxay hablo badan oo reer Somaliland ah oo mashruucyo badan oo ganacsigu ka midyahay samaystay, waxa soo baxday oo la dareemayaa in uu ragu hablaha ka garbinayo xataa in ay soo galaan baayac mushtarka, halkan waxaan u imid in aan isgarab taago oo waajibku ifarayo oo dastuurku i farayo" ayuu yidhi Biixi.

"Hablaha iyo ragu way u simanyihiin sharciga, caafimaad, baayacmushtar tacliin iyo xoriyada, haday danbi galaan qaranka ayaa xaq u leh in uu qabto, sida inanku danbi u galo ayuunbay inantuna u gali kartaa, maaha nin suuqa jooga in uu yidhaahdo aniga danbiga ka jaranaya, oo ragaba kuma dhacee ma hablaha loosoo qoslayaa, waar hablaha waan difaacaynaa" ayuu hadalkiisa ku daray Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa is garabtaagay Layla Ibraahin Cumar, oo maalin kahor warbaahinta ka sheegtay in nin ganacsade ahi uu qorshaynayo in uu burburiyo meherad laga cunteeyo laguna caweeyo oo ay ku leedahay degmada Koodbuur ee Hargaysa.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo gaadhay cabashada Layla, kulan deg deg ah la qaatay Layla iyo madaxda hay'ada amaanka, waxaana xabsiga la dhigay ninka ganacsadaha ah ee ay Layla kasoo cabatay.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/11/2021 5:33 PM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayaa digniin kasoo saaray in Soomaalida ku dhaqan Nairobi ay u dabaal dagaan go’aanka kiiska badda ee berrito ay ku dhawaaqayso maxkamadda caddaalada.

10/11/2021 8:35 AM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Xubno ka socday guddiga doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ayaa maanta magaalada Baledweyne kulan kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

10/11/2021 5:30 AM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen iney walwal aad u weyn ka qabaan dib u dhaca doorshada iyo tafaraaruqa siyaasadeed ee ka jira dalka oo ay sheegeen in xaalad hubaanti la'aan dhanka doorashooyinka uu dalka galay.

10/11/2021 4:11 AM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in ay u qalmaan in loo taago Taallooyin lagu xasuusandoono kaalinta xukuumadii uu katirsanaa ay ka qaadatay badbaadinta badda Soomaaliya.

10/11/2021 3:13 AM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee hoos imaanaya Cutubka VII ee howlgalka nabad -ilaalinta Soomaaliya, sanadka soo socda.

10/11/2021 2:51 AM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xalay aqalka madaxtooyada gobolka Hiiraan waxa uu casho sharaf iyo soo dhaweyn uu ugu sameeyay xubnaha ka socday guddiyada doorashada Fedaraalka iyo Hirshabeelle.