3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo caan ka ahaa dalka Koofur Afrika oo la dilay
 

Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Burcad hubeysan oo Koofur Afrikaan ah ayaa xalay magaalada East London ee dalkaasi Koofur Afrika waxay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa waxgaradka sida weyn uga dhex muuqday Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Ganacsadahaan oo ahaa Odey Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Ismaaciil Kiish, waxaana burcada ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi.

Burcada ayaa dilka kadib waxay qaateen dhamaan waxii hanti ahaa ee dukaanka dhex yiilay, iyagoona jebiyay kaamero CCTV oo ku xirneyd dukaanka si aanan loo aqoonsan.

Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa tagay goobta dilka ka dhacay markii ay burcada isaga baxsadeen sida caadada u aheydna waxay sameeyeen baaritaano aan wax natiijo ah aan kasoo bixin, iyagoona markii dambe halkaas isaga tagay.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ismaaciil Kiish ayaa waxaa uu muddo dheer ku noolaa Gobolka Eastern Cape oo ka mid ah gobolada ay Soomaalida aadka u degan tahay, islamarkaana ay ku leeyihiin ganacsiyo xoogan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/10/2021 6:43 PM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Khatarta sii kordhaysa ee caabuqa Covid19 darteed, xukuumada Somaliland ayaa bulshada ku amartay in ay xidhaan afsaab, kala fogaadaan, isticmaalaan jeermis dilayaasha, qaataan tallaalka, isla markaana, anay ka qayb gali karin aaska (duugta) qof u dhintay caabuqa.

10/10/2021 1:32 PM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo shir jiraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka digay colaad aan la mahadin doonin oo uu tilmaamay inuu Galmudug ka abaabulayo madaxweyne Qoor-qoor.

10/10/2021 1:24 PM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, ayaa ku amray dadka aan Somaliland u dhalan ee ku dhaqan gobolka Sanaag, in ay gobolka kaga baxaan mudo 14 cisho ah.

10/10/2021 8:28 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Mowliid Mataan, kuwaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

10/10/2021 7:29 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Wafdi uu hogaaminaayo Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand.

10/10/2021 2:18 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa markale ku celisay in cadaalada kiiska gabadheeda uu hortaagan yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

10/10/2021 2:05 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in uusan wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go'an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

10/10/2021 1:45 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo katirsan barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday, ayaa ku eedeysay hay’adda NISA in ay baabi’isay dhammaan caddeymihii suurtoo galin lahaa in wax laga ogaado cidda ku lug lahayd kiiska Ikraan Tahliil.

10/10/2021 1:32 AM EST
Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Dawlad Degaanka loogu magac daray Dawlad Degaanka Koonfur Galbeed Itoobiya ayaa la filayaa in dhawaan lagaga dhawaaqo Itoobiya.