3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 25, 2021
Prof. Jawaari " Baydhabo maka fidsano gogol nin gob ah wax kasoo doonto"
 

Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa goordhaw shaaciyay in laga hor istaagay inuu isku diiwaan geliyo kursiga tirsigiisu yahay HOP 103 oo deegaan doorashadiisa tahay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in kursigaasi la doonayo in shaqsiyaad gaar ah loo xiro lana diiday in laga dhigo mid furan, waxaana halkaasi ka muuqda in doorashadani ay tahay midaan daah furneen.

"Baydhabo waan ka soo tagay caqabado badan oo jira awgeed waxaana leyga hor istaagay kursigan ku tartami lahaa mana ahan meel nin gob ah wax kasoo doonto ama nin odau ah, sida ay wax u socdaan maaha si doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah lagu qabto, waaana nasiib daro waxa socda, hadii arrintu sidaan sii ahaatana waxaa dhici doonta in dowladnimada yar ee an haysanay ay meesha ka baxdo, waxaana hada go'aan ka gaaraya kursiga an aniga musharaxa u ahaa odayaasha beesha iyo madaxda maamulka waxaana wali cadeynaya inaan ahay musharax u taagan qabashada kursigaas" ayuu yiri Prof. Jawaari.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof, Jawaari ee ah in loo diiday inuu isku diiwaan geliyo Musharaxnimada kursiga HOP 103, ayaa imaanaya xili uu maanta galinkii dambe uu soo gaaray magaalada Muqdisho, islamarkaana uu wali sheegayo inuu yahay Musharax kursigaas u taagan.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo maamul goboleedyada qaar ay haatan bilaabeen howlaha doorashada Aqalka Hoose ayaa waxaa soo kordhaya cabashada laga muujinaayo hanaanka ay ku bilaabatay doorashada oo la sheegayo iney tahay mid xulasho ah oo aanan aheyn mid ku saleysan xor iyo xalaal.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/25/2021 7:33 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Golaha midowga Musharraxiinta ayaa kasoo horjeestay sida haatan ay ku socdaan doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay ka dhalan karto burbur baahsan oo dalka ku habsada.

11/25/2021 6:38 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa gaadhay magaalada Baydhabo ee caasimada maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya, si uu raali gali uga bixiyo tarxiilkii ay xukuumada Somaliland ciideeda kaga saartay dadka reer Koonfur-galdeed.

11/25/2021 6:32 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu baahiyay oo sheegayay in guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed uu ku amray in aanu warbaahinta la hadal amar la'aan.

11/25/2021 4:45 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Taliyihii kumeel gaarka ahaa ee hay’adda nabad sugida Kornayl Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud yaasiin fareey ayaa noqday xildhibaan katirsan golaha shacabka, kadib markii uu ku guulaystay doorasho goor dhowayd ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

11/25/2021 2:43 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar Ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

11/25/2021 1:57 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar ismiidaamin ah oo saakay Muqdisho lagula eegtay kolonyo katirsanayd gaadiidka ilaalida UN-ka, kuwaas oo marayay waddada xiriirisa Tarabuunka iyo km4.

11/25/2021 12:51 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Guddiga heer federal ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay baaritaanno ku sameynayaan dhammaan cabashooyin ka dhashay doorashada labada aqal ee ah in ay madaxda dalku faro galin ku hayaan doorashada.

11/25/2021 12:44 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug iney ka dhacdo doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

11/25/2021 12:35 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay guddiyada Doorashooyinka heer Federal, Guddiyada Doorashooyinka Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashooyinka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

11/25/2021 12:30 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in la dilay 12 kamid ah kooxda TPLF, 6 kamid ah 12kaas waxay ahaayeen hoggaamin sare, ku waasi oo hoggaaminayey ciidanka kooxdaTPLF, sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Itoobiya oo warbaahinta la hadlay.

11/25/2021 12:29 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Boqolaal dadwayne ah ayaa suuqa Hargaysa ku dhex eryaday inan (gabadh) dhalinyaro ah oo iyada oo xidhan shaadh iyo surwaal suuqa ku dhexmarasay xalay cawaysinkii.