4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 25, 2021
Faahfaahin ku saabsan 8 qof oo ku geeriyooday weerar Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar ismiidaamin ah oo saakay Muqdisho lagula eegtay kolonyo katirsanayd gaadiidka ilaalida UN-ka, kuwaas oo marayay waddada xiriirisa Tarabuunka iyo km4.

War qoraal ah oo kasoo baxay booliiska Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in weerarkaan oo loo adeegsaday gaari Surf ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ku geeriyoodeen 8 qof iyo dhaawaca 17 kale.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya, ayaa sheegay in weerarka lala damacsanaa gaadiid ka mid ah kuwa ilaaliya UN-ka oo goobta marayey.

"25-11-2021 abaaro 07:32hrs  waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo  Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan Afaafka Hore Ee Iskuulka Mucaasir oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sare ee Banaadir, Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf  kana yimid dhanka Tarbuunka  taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna  ay Tirakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Waxyeellada ugu badan ee qaraxa waxaw kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaruxu ka dhacay, oo ahayd goob aad u mashquul badan oo ay kuyaallaan xarumo waxbarasho iyo goobo ganacsi.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaan, sida lagu sheegay bayaan lagu faafiyay baraha internetka, waxayna sheegeen in lagu bartilmaameesaday saraakiil caddaan oo kusii jeeday xerada Xalane.

Waa qarixii labaad oo maalmo gudaheed ka dhaca magaalada Muqdisho, habeeno ka hor ayay ahayd markii Muqdisho weerar ismiidaamin ah lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis afrika.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online