4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 25, 2021
Doorashada Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb
 

Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug iney ka dhacdo doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in maanta ay qabanayaan doorashada laba kursi oo tirsigoodu yahay HOP 43 iyo HOP 67, waxaana ku tartami doono Musharaxiin dhowr ah oo isku diiwaan geliyay.

Doorashada labada kursi ee maanta dhaceysa waxaa horay ugu kala fadhiyay Cadow Cali Gees iyo Xuseen Iidoow, waxaana kursiga HOP 67 ku wada tartami doono Musharaxiin uu ka mid yahay taliyaha KMG ee Hay'adda Nabadsugida qaranka Yaasiin Fareey, waxaana kuraigaas ka taagan cabasho aad u xoogan, iyadoo la sheegay in musharixiinta qaarkood loo diiday iney isku diiwaan galiyaan kursigaas si ay ugu tartamaan.

Kursiga labaad ee HOP 43 waxaa isna ku tartami doono Xuseen Iidoow oo ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay iyo musharax kale, waxaana la sii sheegaya in kursiga markale uu kusoo noqon doono Xuseen Iidoow.

Doorashada kuraasta Maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa ah kuwo natiijadooda la sii ogyahay oo xubnaha ku soo baxaya ay calaameysan yihiin, sida dadka siyaasada u dhuun daloola ay sheegayaan in la dooran doono Yaasiin Fareey iyo Xuseen Iidoow.

Shalay ayey aheyd markii doorashada laba kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu doortay magaalada Dhuusamareeb, taasoo ay sidoo kale kusoo baxeen laba Musharax oo lasii ogaa iney kusoo bixi doonaan labada kursi ee shalay la doortay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]