4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 24, 2021
Puntland oo beenisay in duufaan culus kusoo wajahan tahay gobolka Bari
 

Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Hay’adda maaraynta masiibooyinka ee maamulka Puntland ee HADMA ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay warar sheegaya in Puntlad ay kusoo wajahan tahay duufan culus.

Xiriir ay warbaahintu la sameysay masuuliyinta hay’addaas ayay u sheegeen in aanay jirin cabsi hadda laga qabo in duufaanta soo gaarto Puntland gaar ahaan gobolka Bari.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in duufaantu ku socoto xawaare hooseeya oo ah 35km saacaddiiba, taasoo aanay suurtagal ahayn in ay si dhow kusoo gaarto xeebaha Puntland.

“Annagu ma hayno duufaantaas, mana garanayno meesha ay ka keeneen dadku,” ayuu yiri. Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ceyrow, guddoomiyaha hay’adda HADMA ee Puntland.

Hadalka hay’adda HADMA ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wasaaradda gargaarka dowladda Soomaaliya ay ka digtay duufaan ku socota xawaare sare oo laga cabsi qabo in ay  ku dhufato xeebaha gobolka Bari ee Puntland

Sannad kaste, marka la gaaro bilaha december iyo november, waxaa Puntland laga fishaa roobab dabeylo sita oo ka yimaada dhinaca xeebaha badda cas iyo badweynta Hindia.

Waqti xaadirkan, Puntland dhulkeeda waxaa badi ka jira abaaro aad u darran oo saameeyay dadka reer guuraaga, kadib markii Roobabkii Gugii iyo dayrtii ugu dambeysay aanay si fiican uga da’in gobolada Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online