4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2021
Guddiga doorashada Soomaaliya oo sheegay habraaca doorashada inuusan xaddidayn saraakiisha iyo dadka xilalka haya
 

Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin xeer tartanka doorashada ka mamnuucaya saraakiisha dowladda Soomaaliya ee xilalka ka haya iyo kuwa aan haynba.

Arrintaan ayaa daba socotay kadib markii guddiga doorashadu ay diiwaan galiyeen sii hayaha taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Kornayl Yaasiin Fareey, oo u sharraxan xildhibaan.

Afhayeen guddiga doorashada dadban, Axmed Aadan Dagaal (Safiina), ayaa sheegay in guddiga doorashada uusan ku dhaqmeyn xeer saraakiisha ka hor istaagaya in ay doorashada galaan.

‘Habraaca hadda lagu dhaqayo doorashada, ma sheegayo, oo ma xaddidayo muwaadinka Soomaaliyeed ee xil xil dowladdeed ama xil ciiddan haya, inuu iska soo casilo kursiga uu ku fadhiyo,” ayuu yiri afhayeenka doorashada.

14 mushharax ayaa iska diiwaan galiyay kuraasta ugu horraysa doorashada aqalka hoose ee xildhibaannada gobolada waqooyi ee Somaliland, halka 11 mushharrax ay iska diiwaan galiyeen doorashada 5 kursi oo Galmudug ka imaanaya.

Qaar kamid ah musharraxiinta oo lagu tiriyo in ay ka agdhawaayeen ama lasoo shaqeeyeen dowladdihii hore ee Soomaaliya, ayaa ka cabanaya in la boobayo kuraasta ay doonayaan in ay u tartamaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online