3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 19, 2021
Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur galbeed oo shaacisay doorashada 11 kursi oo aqalka hoose ah
 

Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay qabashada doorashada 11- kursi oo ah Golaha Shacabka, iyagoo usoo gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal.

Doorashada kuraastaan ayaa la qaban doona todobaadka soo socda, sida lagu sheegay qoraalka guddiga doorasha uu caawa soo saaray, waxayna koonfur galbeed noqonaysaa maamulkii labaad ee shaaciyay tartanka kuraasta.

Galmudug ayaa horey u shaacisay tartanka shan kursi oo katirsan kuraasta aqalka hoose, sida uu sheegay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Qoorqoor.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
11/19/2021 2:51 PM EST
Jimco, November, 19, 2021 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in madaxweyne Muuse Biixi doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qaban doono.

11/19/2021 2:42 PM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, oo habeenkii xalay ahaa jawaabo ka bixinayay su'aalo ay dadku ku waydiinayeen madasha clubhouse, ayaa ka hadlay arrimo u badan xaaladda guud ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

11/19/2021 7:01 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu qabtay isagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha Galmudug, ayaa lasii daayay, iyadoo aan sharciga la horgeynin.

11/19/2021 5:39 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa guul ku tilmaamtay in dalalka xubnaha ka ah golaha amaanka ay ku taageereen mowqifkeeda ku aadan diidmada qorshaha midowga Afrika uu ku doonayo in loo beddelo howlgalka AMISOM.

11/19/2021 1:12 AM EST
Jimco, November, 19, 2021 (HOL) - Qoraal lagu daabacay boga wasaarada arrimaha dibadda Somaliland, ayay xukuumada Somaliland aad ugaga mahad naqday Taiwan xidhiidhka saxiibtinimada iyo taageerada ku dhisan ee ay la leedahay Somaliland.

11/19/2021 1:06 AM EST
Jimco, November, 19, 2021 (HOL) - Dowlada Hoose ee degmada Berbera ee Somaliland, ayaa ku guulaysatay abaalmarinta Child friendly Cities and Local governments Inspire Award, oo ay hay'adda caruurta ee UNICEF siiso magaalooyinka ku haboon in caruurtu si qurux badan ugu noolaan karaan.

11/19/2021 12:56 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - UK ayaa ka hor timid qorshaha lagu doonayo in howlgalka Amisom loogu badalo mid wadajir ah oo ay ku midaysan yihiin Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, sida uu dhawaan soo jeediyay Golaha Nabadda ee Midowga Afrika.

11/19/2021 12:50 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 10 qof oo ahaa Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhibaataysanaa xabsiyada Libya ayaa ugu dambeyntii dib ugu soo laabtay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

11/19/2021 12:45 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee ka warranta xasaradaha aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICG, ayaa ka digtay hubanti la’aanta mustaqbalka ciidamada AMISOM, xilli uu hawlgalka uu ku eg yahay 31-ka December 2021.

11/19/2021 12:36 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Golaha ammaanka ayaa dhowaan magacaabaya guddi madax bannaan oo soo qiimeeya waxa ay dowladda Soomaaliya ka qabatay hubka sharci darrada ah, si looga fikiro in laga qaaddo cunaqabataynta hubka ee saaran.