3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 4 , 2021
Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo qaabilay safiirka Ingriisku usoo magacabay Soomaaliya
 

Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo kulan la qaatay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya amb. Kate Foster, ayaa kala hadlay doorashooyinka Somaliland iyo xadhiga musharixiinta mucaaradka.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qoraal usoo dhigay bogiisa Facebook ku sheegay in ay safiirka Ingriiska kala hadleen xadhiga musharixiinta mucaaradka iyo hanaanka qabashada doorashooyinka.

“Safiirka waxanu si ban-yaalnimo ah uga wada hadalnay, hanaanka qabashada doorashooyinka iyo xadhiga joogtada ah ee uu taliyaha boolisku ku hayo musharixiinta mucaaradka” ayuu yidhi Cirro.

“Xadhiga qayral dastuuri ga ah, ee lagu hayo musharixiin ay koomishanka doorashoyinka qaranku ansixiyeen, isla markaana haysta xasanada xeer lr 91/2020” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xisbiga Waddani ayaa marar kala duwan ka hadlay xadhiga musharax Qasim Aadan Saleebaan oo xabsiga ku jira, dowlada ayaa dhinaceeda sheegtay in ay u hayso danbiyo oo ay maxkamad la tiigsanayso.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected] 












Click here
5/4/2021 10:54 AM EST
Talaado, May, 4, 2021 (HOL) - Dowlada Ingiriiska, ayaa 17 milyan oo dollar ku maal galinaysa mashruuca Hargaysa pypass road, oo ah wado 22.5 KM ah, taasi oo la doonayo in baabuurta waaweyn ee xamuulka magaalada Hargaysa lagaga leexiyo.

5/4/2021 10:24 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

5/4/2021 10:00 AM EST
Talaado, May, 4, 2021 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadalay xadhiga musharixiinta, ayaa sheegay in musharax kasta oo lagu helo danbi la xidhayo mucaarad iyo muxaafad ba.

5/4/2021 9:53 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Iyadoo labadii cisho ee la soo dhaafayba magaalada Muqdisho ay ku sugnaayeen wafdi heer sare oo ka socda dowladda Qatar, ayaa dhinaca kale waxaa wada hadal khadka talleefoonka ah yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani

5/4/2021 8:08 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa ku dhawaaqay guddiga xalinta khilaafaadka iyo xiisada magaalada Muqdisho, kuwaa oo isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

5/4/2021 7:35 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ciidamada taabacsan mucaaradka ee kasoo horjeestay mudo kordhinta ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen in aysan ka bixi doonin goobihii ay farriisinka ka sameysteen kadib qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

5/4/2021 2:15 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wakiillo ka kala socday warbaahinta Soomaaliyeed.

5/4/2021 1:57 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL)-Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta howlaha ciidanka Booliiska, kaddib eedeymo maalmihii ugu danbeeyay loo jeedinayay.