4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 3 , 2021
Xisbiga Waddani oo sheegay in ay dacwad ka gudbinayaan musharixiin Kulmiye ah
 

Isniin, May, 3, 2021 (HOL) - Xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga Waddani Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto), ayaa sheegay in madama oo musharax Waddani ah loo xidhay in uu Muqdisho tagay ay iyaguna dacwad taa lamida ka gud binayaan musharixiin Kulmiye ah.

Xogeeyaha ayaa sheegay in xisbigoodu uu soo dhawaynayo in talaabo laga qaado cid kasta oo danbi gasha lakin anay aqbalaynin in musharixiinta Kulmiye na iyaga oo Soomaaliya xilal kasoo qabtay ay joogaan  kuwoodana la xidh xidho.

“Waxa wax lala yaabo ah in dad musharixiin ah oo katirsan xisbul xaakim ka, oo xilal kasoo qabtay Soomaaliya, ay maanta kamid yihiin musharixiinta, oo cid wax iska waydiinaysa anay jirin” ayuu  yidhi xogeeyuhu.

“Marka ma caddaalad baa in axsaabta mucaarad ka ahna musharixiintooda la eedeeyo, oo inta la qabto la xidho, kuwii kasoo jeeday xisbul xaakim kuna ay si nabada hawshooda u wataan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xogeeyaha ayaa ku gorgortamay in musharixiin xisbiga Kulmiye ka tirsan oo uu ku andacooday in qaarkood ay dowlada Soomaaliya xilal kasoo qabteen ay dacwad ka gudbin doonaan.

“Xisbiga Waddani waxa uu gacanta ku hayaa dhawr iyo toban dhacdo, oo aanu maxkamada u gudbin doono, kuwaso la xidhiidha musharixiinta xisbul xaakimka” ayuu yidhi xogeeyuhu.

“Ha noqdaan qaar Soomaaliya xilal kaso qabtay iyo qaar aan shuruucdii doorashada buuxin, madama oo ay dhinaca xukuumada katimid in la gacan togaaleeyo” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka xogeeyaha ayaa macnihiisu yahay in xisbiga Waddani uu markiisa golaha keenayo dacwado ka dhan ah musharixiin Kulmiye ah, si uu dowlada gorgortan ugala galo siidaynta musharax ka xidhan.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]