4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo shir isugu yeeray madaxda Dowlad Gobolleedyada

 

Axad, May 02, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  kulan waddatashi ah iskugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir 20-ka bishan May.

Afhayeenka dawladda Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Ra'iisal Wasaare Rooble ahmiyad gaar ah siinayo dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii September ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay Golaha Shacacbka ka hor sheegay in mas'uuliyadii doorashada uu ku wareejiyay Ra'iisal Wasaare Rooble, arintaa oo muddo dheerba si is daba joog ah u dalbanayeen siyaasiyiinta mucaaradka.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa si loo soo afjaro ismariwaagii siyaasadeed ee ka dhashay muddo korarsiga ku raacay ayaa ku raacay madaxda dowlad gobolleedyada in dib loogu laabto hannaankii doorashada 17ka September.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]