4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Hargaysa: Waalidiinta arday loo haysto burburkii dugsiga Nuradiin oo ka dayriyay xaalada caruurtooda oo xidhan
 

Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Waalidiinta 6 arday oo loo haysto in ay abaabuleen rabshadihii dugsiga Nuradiin ee magaalada Hargaysa ka dhacay 3, Maarso, ayaa sheegay in loo diiday in ay caruurtooda xabsiga ku booqdaan.

“Wiilkaygu macaan ayuu qabaa, waala katiinadeeyay (jeebeeyay) oo wuu silcayaa” waxa sida ku oday hooyada mid kamida ardayda xidhan.

Ehelada ardaygan ayaa sidookale sheegay in ciidamada boolisku ay ka hor istaageen in ay xabsiga dhakhtar iyo dawooyin ugu geeyaan.

Walidiinta ayaa ku cawday in caruurtoodu ay dugsiga Nuradin u xidhanyihiin muddo bil ah isla markaana lasoo qabtay iyagoo dirayskii xidhan oo imtaxaan ku jira.

Waxay waalidintu ku andacooday in ilaa iyo hada anay jirin eedo ka dhan ah ubad kooda oo la horgeeyay laamaha garsoorka.

3 bishii Maarso ayay ahayd markii arday ka gadooday, khilaaf soo kala dhexgalay arday dugsiga wax ka barta iyo maamulka dugsiga ay burbur laxaadle u gaysteen dugsiga, iyadoo markii danbe 6 arday loo xidhay dhacdadaasi.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]