4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo soo dhaweeyay in uu hoggaamiyo Maamulka iyo Amniga Doorashada

 

Sabti, May 01, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go'aankii uu maanta qaatay madaxweynaha Soomaaliya oo ku wareejiyay maamulka iyo amniga doorashada, isaga oo sheegay in uu la iman doono qorshe iyo hannaan lagu maamulayo doorashada.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo madaxweynaha sida uu hadalka u dhigay tanaasulka uu sameeyay iyo sida uu ugu damqaday shacabkiisa, waxaana uu intaa ku darray in uu la imanayo qorshe hufan oo lagu maamulayo doorashada dalka.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Golaha Shacabka uu uga mahad celinayo sida ay u aqbaleen codsigii madaxweynaha.

'' Ka Xukuumad ahaan waxaa naga go'an in ay dalka ka dhacdo dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran cidna aan xaqeeda la duudsin ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra'iisal Wasaare Rooble.

Ciidamada ayuu ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan  xeryahooda ugu laabtaan mar hadii la xaliyay khilaafka doorashooyinka isla markaana uu magacaabi doono guddi ka soo talabixiyay arrimaha ciidamada.

Hadalka Ra'iisal Wasaaraha ayaa imanaya kaddib markii uu madaxweyne Farmaajo maanta Baarlamaanka ka hor sheegay in hoggaanka doorashada uu ku wareejiyay Ra'iisal Wasaare Rooble.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]