4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 8 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay waqtiga xariga laga jaraayo dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye
 

Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryenta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin, Maxamed Soomaali ayaa shaaciyay waqtiga kama dambeysta ah ee la furaayo ama xariga laga jaraayo dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay sida qorshuhu ahaa in dhismaha wadada xariga laga jaro bishii Febraayo ee sanadkan 2021 balse sababo amni aay u soo gaartay in ilaa xiligaan inaan la dhameystirin dhismaha wadadaasi oo marxalado kala duwan soo martay, isagoona sheegay in haatan aay mareyso meel gabagabo ah.

Waxuu intaasi ku daray in caqabaha ugu badan ee wadadaasi dib u dhaca ku keentay iney ka mid aheyd dhanka amaanka oo aad u adkaa iyadoo dhowr jeerna weeraro iyo qaraxyo lala bartilmaameedsaday shaqaalaha iyo Injineerada ku howlan dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha wadada haatan uu maraayo heer gabagabo ah lana gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, islamarkaana xarigana laga jari doonaan sida qorshaha dowlada uu yahay mudo 60 maalmood gudahood.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]