3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 7 , 2021
Sirdoonka Maaliyadeed ee Imaaraadka oo heshiisyo Is-afgarad ah la saxiixday Soomaaliya
 

Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka Maaliyaddeed ee Imaaraatka Carabta ayaa la saxiixatay heshiis is afgarad ah waaxda Sirdoonka Maaliyadeed ee Bangladesh iyo Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada laga leeyahay heshiiskaan ayaa qeyb ka ah dadaallada is-weydaarsiga macluumaadka maaliyaddeed iyo khibrad wadaaga, si loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed ee dalalkaan ka dhaca.

Heshiisyadan, ayaa la kala saxeexday iyada oo la raacayo ujeeddada guud ee Imaaraadku ka leeyahay la dagaallanka lacagaha sharci darrada ah iyo maalgelinta kooxaha argagixisada, waxayna waddamadu hoosta ka xariiqeen is-weydaarsi sirdoon labada dhinacba faa’iidada u leh.

Heshiiskan waxaa Imaaraatka u saxiixay Ali Faisal Ba’Alawi, madaxa sirdoonka maaliyadda UAE. Soomaaliya waxaa u saxiixday Amina Ali, agaasimaha xarunta Warbixinta Maaliyadeed. Halka Bangaladesh uu u saxiixay Abu Hena Mohammad, madaxa sirdoonka maaliyadda Bangladesh.

Cali Faysal Ba'Alawi, Madaxa Waaxda Sirdoonka Maaliyadeed ee Imaaraatka, ayaa sheegay heshiisyadan ay la galeen Soomaaliya iyo Bangladesh in ay dib u soo celinayaan dadaalkooda ka hortagga dambiyada maaliyadeed iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya Imaaraadka, Bangladesh iyo Soomaaliya.

Dalka Imaaraatka Carabta ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay dalalka safka hore kaga jira dambiyada lacagaha la dhaqo ee afka qalaad lagu dhaho Money laundry, waxaana warbixin soo baxday sanadkii 2020 lagu sheegay in wax ka qabashada musuqmaasuqa iyo lacagta la dhaqay ee UAE ay tahay caqabad caalami ah oo ay tahay in wax laga qabto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/7/2021 3:53 PM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - 25 kamid ah 28 haween ah oo u sharaxnaa doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka, ee 31 May looga dareeray Somaliland, ayaa ku guul daraystay in ay ku soo baxaan jagooyinki ay u ordayeen.

6/7/2021 10:17 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siinayay BBC Somali, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay afduubayaan xoriyada mudanayaasha lasoo doortay.

6/7/2021 9:31 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/ dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu halkaasi ka dhacay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.

6/7/2021 8:15 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Amniga maamulka Jubbaland oo bishiiba mar qabsoomo kaasoo looga hadlo xaalada amaanka guud ee deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

6/7/2021 7:38 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed axmed Alcuthman.

6/7/2021 5:41 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa uu ku magacaabay guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo Barakacayaasha.

6/7/2021 1:06 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Ilaa lix Caruur ah oo kusoo dhaawacmay duqeymo culus oo diyaaradaha Kenya dhawaan ka geysteen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.