7/24/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2021
Qaramada Midoobay oo sheegtay in daadadkii ku dhuftay gobolada Shabeeladda dhexe iyo Hiiraan ay saameeyeen 400,000 qof


 

Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo dhowaan ka da'ay guud ahaan Soomaaliya ayaa saameeyay dad lagu qiyaasay 400,000 oo ku nool 14 degmo tan iyo dabayaaqadii bishii Abriil, sida ay sheegtay hay'adda gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwaha ee Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA), ayaa sheegay, in Ilaa 101,300 oo qof oo ka mid ah dadkii ay dhibaatadu saameysey ay ka barokaceen guryahooda.

"Dadka ugu badan ee ay dhibaatadu saameysey waxay ku sugan yihiin gobolka Shabeellada Dhexe halkaas oo daadadka degmada Jowhar ay ka barokiciyeen 66,000 oo qof oo ka yimid 27 tuulo, baabi'iyayna in ka badan 40,000 hektar oo dhul beereed ah, sidoo kalena waxay fatahaada albaabada u laabeen 11 dugsi oo ay waxyeello u geysteen boqolkiiba 82 kaabayaashii dhaqaalaha, iyo nadaafada, ," OCHA ayaa ku tiri warbixinteeda daadadka.

Hadalkan ayaa yimid maalmo kadib markii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay in dowladdu ay la imaan doonto istiraatiijiyad lagu yareynayo xalna loogu raadinayo daadadka joogtada ah ee dalka ka dhaca.

Rooble, oo booqday meelaha ay daadadku ku dhufteen ee gobolka shabeeladda dhexe, ayaa sheegay inuu indhihiisa ku soo arkay xaalad bani'aadamnimo oo aad u xun oo ka jirta Jowhar iyo tuulooyinka ku xeeran. Illaa iyo hadda, 25 qof ayaa ku dhimatay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay dhowr meelood oo Soomaaliya ah.

Magaalada Beledweyne, daadad ka dhashay fatahaadda webiga ayaa barakiciyay ku dhowaad 22,000 oo qof waxayna baabi'iyeen 1,235 hektar oo dhul beereed ah,  sida ay sheegtay  OCHA.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online











Click here
6/5/2021 1:09 PM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay qarax xoogan oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh geystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

6/5/2021 12:55 PM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Xafiiska imtixaanaadka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in 19 bishan Juun loo fadhiisan doono imtixinaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 8aad iyo 4aad.

6/5/2021 9:12 AM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dad badan oo diidan horumarka Puntland ay isku dayayaan in ay ka hor yimaadaan nidaamka xisbiyada badan oo ay Puntland uga guurayso midkii qabaliga ahaa.

6/5/2021 8:21 AM EST
gobolka Banaadir, kaaso ka dhacay meel aad u mashquul badan oo aay ku yaalaan Boosteejo gadiidka laga raaco iyo waliba suuq lagu iibiyo Hilibka iyo Malaayga una dhaw isgoyska Ex-koontarool Afgooye.

6/5/2021 6:39 AM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa amar ku siiyay musharixiinta guulaystay in anay qabsan wax debbaal dagyo ah.

6/5/2021 1:53 AM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay Ex-koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

6/5/2021 1:35 AM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymaha diyaaradaha Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo ee Soomaaliya oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah.

6/5/2021 1:29 AM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Koomiishanka doorashooyinka ee heer degmo, ayaa ku dhawaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmada Gabilay.