4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2021
Digniin culus oo loo diray ciidamada dowladda Soomaaliya
 

Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Cabdullahi Buulle Kamey ayaa si adag uga digay in cidaamada dowladda Soomaaliya ridaan rasaas farabadan maalmaha u dabaal dega Xoriyada dalka.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in mamnuuc tahay shacabka dhexdiisa in lagu rido rasaas farabadan oo argagax galin karta dadka dabaaldegaya, isagoona sheegay in rasaas loo ridaayay dabaaldegii 26-Juun aay sababtay dhimasho iyo dhaawac.

"Waxaan ka digayaa ineysan dhicin inta lagu guda jiro maalmaha Xoriyada in ciidanka aysan ridin rasaas, iyadoo marmarsiyo laga dhiganayo dabaaldega dartiis hadii waxyeelo geysto in sharciga la horkeeni doono la marsiin doono wixii mudankiisa ah" ayuu yiri Xeer ilaaliye Cabdullaahi Buule Kamey.

Digniinta Xeer ilaaliyaha ayaa imaaneysa xili munaasabad loogu dabaal degayay 26-Juun oo ka dhaceysay magaalda Jowhar rasaas loo riday dabaaldega aay ku dhinteen askar ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo Caawana sidoo kale lagu wado iney dhacaan munaasabado waa weyn oo loogu dabaal degaayo Xuska 1-da Luulyo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]