3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2021
Madaaafiic khasaare geysatay oo lagu weeraray deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe
 

Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday waxay ku qaadeen Saldhig ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ku leeyihiin deegaanka Biya Cadde oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay iney maqleen dhawaqa jugta madaafiicda culus oo ku dhacday Saldhiga ciidanka AMISOM ee Burundi, islmarkaana aaysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda ee lagu bartilmaameedsaday Saldhiga ciidanka Burundi.

Ciidamada Burundi ayaa la sheegay in dhankooda aay ka jawaab celiyeen madaafiicda aay kusoo weerareen dagaalamayaasha Al-shabaab inkastoo wax war ah aysan kasoo saarin khasaaraha ka dhashay madaaafiicda lagu soo weeraray iyo tan aay ku jawaabeen.

Al-shabaab ayaa dhankooda sheegtay in weerarka madaafiicda ah ay ku qaadeen Saldhiga Burundi aay ku dileen 5 ka mid ah askarta ciidanka Burundi.

Deegaanka Biyo Cadde waxaa aad ugu soo kordhayay maalmahii dambe weerarada Al-shabaab aay ku qaadayaan deegaankaasi oo horay bishan gudaheeda uga dhaceen weeraro kala duwan sida ismiidaamin, dagaal toos ah iyo madaafiicda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/30/2021 2:43 PM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Cabdullahi Buulle Kamey ayaa si adag uga digay in cidaamada dowladda Soomaaliya ridaan rasaas farabadan maalmaha u dabaal dega Xoriyada dalka.

6/30/2021 11:38 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tababar u furay guddiyadda doorashooyinka dalka ee heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed oo socon doona muddo afar maalin ah.

6/30/2021 11:29 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Kristina Svenssn oo ah wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Bangiga Adduunka.

6/30/2021 8:50 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL)- Afar askari oo katirsan booliska Somaliland, ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi u gaysteen gabadh yar oo ku nool degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

6/30/2021 7:41 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Mayorka cusub ee caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa xilka kala wareegay mayorkii hore Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelco).

6/30/2021 7:09 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyla ayaa beeniyay in khilaafyadii siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka Soomaaliya ay sabab u yihiin, hakinta lacago caalamku ku kabi jiray miisaaniyadda dalka.

6/30/2021 2:48 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Ciidamada nabad sugida Puntland ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay soo afjaraan xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo iyo miinooyin dhigayey wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari.

6/30/2021 2:08 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Warbaahinta faafisa xogaha ururka Alshabaab ayaa sheegay in kooxda Alshabab ay howgal qorshaysan ka fuliyeen jasiiradda Kudhaa, iyagoo guryahooda kala baxay masuuliyiin katirsanaa maamulka Jubbaland.

6/30/2021 1:52 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 14 nin oo ku labisnaa dareeska ciidanka, kuwaas oo dhac ka geysanayay xaafadaha magaalada Muqdisho.