4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2021
Puntland oo sheegtay in ay dishay xubno katirsan Daacish oo maalmo ka hor qaraxyo ka geystay gobolka Bari
 

Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Ciidamada nabad sugida Puntland ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay soo afjaraan xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo iyo miinooyin dhigayey wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii wafdi uu hoggaaminayay wasiirka amniga Puntland qarax lagula eegtay meel 20km u jirta Balidhidhin, halkaas oo uu ku geeriyooday askari iyo dhaawaca labo kale.

Taliska ciidanka PSF wuxuu sheegay in xubnaha ay  dileen uu ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor, hadana laguna baahiyey barta Internetka.

"Ciidamada PSF oo garabsanaya ciidamada kale ee Puntland ayaa ku guulaystay in ay soo afjaraan xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo iyo miinooyin dhigayey wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari, xubnahan ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor, hadana laguna baahiyey barta Internetka." ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Ciidanka PSF

Ciidanka amniga Puntland ayaa howlgallo ka waday deegaanada hoos yimaada degmada Balidhidhin ee gobolka Bari, halkaas oo ay si firfircoon uga howlgalaan dagaalamayaasha kooxda Daacish.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online