4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 29, 2021
Janeraal Abuukar Xuud oo dhaliil adag u jeediyay Raysal wasaaraha Soomaaliya
 

Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha golaha kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa markale dhaliil adag u jeediyay Raysal wasaraaha Soomaaliya.

Jenaraal Abuukar Xuud ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku eedeyay inuu iska indha tiraayo tabashada reer Hiiraan aay ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

"Wax wanaagsan ma ahan inuu Raysal wasaaraha iska indha tiro rabitaanka dadka reer Hiiraan waxaan horay ugu sheegnay inuu Cali Guudlaawe matalin Hiiraan oo aanan laga qeyb galinin shirarka Muqdisho waana nasiib daro inuu wali shirarka ka qeyb galo Cali Guudlaawe" ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Janeraalka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney ilaaliso nidaamka awood qeybsiga, islamarkaana tilmaamay in hal beel aay isku qaadatay kursiga gobolka Banaadir iyo Hirshabeelle, taasina ay tahay mid xaqdaro ah waa sida uu hadalka u dhigaye Jenaraal Abuukar Xuud.

Waxuu sidoo kale sheegay in kuraasta Xildhibaanada labada aqal ee Baledweyne lagu dooran doono aay damaanad qaadayaan amniga goobaha aay doorashada ka dhacayaan.

"Waxaan u sheegaya Xildhibaanadii reer Hiiraan matalayay ee soo fashilmay ineysan markale isku soo haleyn laaluush in lagu doorto, waxaan dooran doona Xildhibaano waxtar u leh dadka reer Hiiraan, Soomaalida kalana waxan ugu baaqaya iney ka hortagan dib u doorashada kuwa laaluushka wax ku raadiyo ee aan waxba tarin dadkooda" ayuu yiri Jenaraal Abuukar Xuud.

Hadalka Jenaraal Xuud ayaa imaanaya xili maalintii labaad uu galay shirka golaha wadatashiga qaran ee madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]