4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 29, 2021
Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya oo beeniyay in wax ka bedel lagu sameynayo heshiiskii doorashada
 

Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa beeniyay in wax ka bedel lagu sameynayo heshiiskii doorasho ee 27 kii May, kadib markii raysal wasaaraha Soomaaliya uu isugu yeeray dowlad goboleedyada.

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa warbaahinta u sheegay in shirka Muqdisho ka furmay uu yahay shir lagusii xoojinayo fulinta qodobada heshiiskii 27-ka May.

“Ma jirto wax qorshe ah oo laga leeyahay in la bedelo heshiiskii 27-ka May,” ayuu yiri afhayeenka xukuumada Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa yimid xilli ay soo baxayeen warar ku saabsan in caasimadaha lagusoo koobayo doorashooyinka xildhibaanada aqalka hoose.

Arrinta illaa iyo hadda la hubo in wax ka bedel lagu sameynayo ayaa ah jadwalka doorashada, waxaana raysal wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in kala shaandhaynta guddiyada doorashada ay qaadatay ku dhawaad muddo bil ah.

Golaha wadatashiga qaranka waxaa la filayaa in ay jeexaan jadwal cusub oo doorasho, oo keenaysa in muddo dhowr bil ah doorashada dib loo dhigo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online