3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 28, 2021
Maxkamada sare ee Somaliland oo soo gaba-gabaysay dhagaysiga dacwadaha musharixiinta
 

Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL)- Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa maanta dhagaysatay dacwadaha 8 musharax isla markana soo gaba-gabaysay dhagaysiga.

Maxkamada ayaa maanta si rasmi ah usoo afmeertay dhagaysiga dacwadaha musharixiinta.

Fadhiga maxkamada, ayaa u furnaa dadwaynaha in ay dhagaystaan.

Kormeerayaashi caalamiga ahaa iyo kuwii maxaliga aha ee doorashada kormeerayay ayaa iyaguna kasoo qayb galay dhagaysiga sida maxkamadu sheegtay.

Sida ay maxkamadu sheegtay go'aan dag dag ah ayaa laga soo saari doona dacwadaha.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]












Click here
6/28/2021 7:14 AM EST
Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne laga soo dejiyay gaari nooca aanan xabada karin ee loo yaqaano Bullet Proof Car, kaasi oo aay keentay diyaarad nooca xamuulka qaada ah.

6/28/2021 7:04 AM EST
Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shir guddoominaya, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

6/28/2021 6:30 AM EST
Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Booliiska wadanka Jarmalka ayaa si rasmi ah u shaaciyay magaca wiil Soomaali ah oo dhawaan gudaha dalkaasi dil iyo dhaawac ugu geystay muwaadiniin u dhalatay dalkaasi.

6/28/2021 5:25 AM EST
Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa meel fagaare ah ku toogatay lix qof oo ay haweenay ku jirtay oo lagu eedeeyay in basaasiin u ahaayeen sirdoonka Maraykanka, sida lagu sheegay bayaan kooxda kasoo baxay.

6/28/2021 3:22 AM EST
Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

6/28/2021 1:37 AM EST
Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si wadajir ah u booqday dadkii shalay ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

6/28/2021 1:07 AM EST
Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay iska caabinta Shacabka iyo Maamulka magaalada Wisil ay kaga hortageen duullaan qorsheysan oo ay Alshabaab ku dooneysay in ay ku qabsato gacan ku heysta maamulka magaalada Wisiil.