4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 28, 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka
 

Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shir guddoominaya, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shirkaan uga qeyb galaya qadka foggaan aragga ee Zoomka. Kadib markii raysal wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in laga raali galiyay tabashadii uu ka qabtay in aan lagala tashan shirkaan.

Shirkan ayaa looga hadlayaa dardar gelinta doorashada, wixii ka qabsoomay heshiiski bishii hore ee 27 May, waxaana mar kale Golaha Wadatashiga Qaran soo saari doonaan jadwal doorasho, maadaama mudadii 60 maalmood ee horay loo qabtay ay muddo bil qaadatay kala shaandheyntii guddiga doorashada.

Waa shirkii labaad oo raysal wasaaraha Soomaaliya uu hoggaamiyo tan iyo markii uu la wareegay hoggaaminta maamulka doorashada, waxaana shirkaan la filayaa inuu qaato waqti kooban, madaxduna ku gaarto go’aano cusub.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online