4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 28, 2021
Raysal wasaare Rooble iyo madaxweyne Qoorqoor oo Isbitaalka ku booqday dhaawacyadii deegaanka wisil


Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si wadajir ah u booqday dadkii shalay ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Raysal wasaare Rooble iyo madaxweyne Qoorqoor ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada, islamarkaana warbixin ka dhageystay dhaqaatiir oo u sheegay in dhaawacyada u badan aay yihiin kuwa aad u daran aayna la tacaalayaan.

Dhaawacayadan ayaa isugu jira askar iyo dad shacab ah oo shalay waxyeelo kasoo gaartay dagaalkii deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Dhaawacyada qaar ayaa waxaa ka muuqday jirkooda dhaawacyo daran oo kasoo gaaray dagaalka, waxaana xusid mudan in dad kale oo dagaalka ku dhaawacmay dhaawacoodu la geeyay magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Wisil inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay tiro kor u dhaafeysa 20 ruux oo isugu jira shacab iyo askar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]