4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 27, 2021
Wasaaradda amniga Galmudug oo war kasoo saartay weerarkii Alshabaab kusoo qaadeen Wisil
 

Axad, Juun, 27, 2021 (HOL) - Wasaaradda amniga Galmudug ayaa war qoraal kasoo saartay weerar kooxda Alshabaab saakay aroornimadii hore kusoo qaadeen fariisin ciidamada Galmudug ay ku lahaayeen magaalada Wisil oo dhacda 60km dhanka Woqooyi ee magaalada Hobyo.

Wasaaradda amniga waxay sheegtay qorshaha Alshabaab inuu ahaa in ay la wareegaan Magaalada istiraatiijiga ah ee Wisil, ayna laayaan ciidamadii halkaas ku sugnaa, sidoo kalena qabsadaan gaadiidka iyo hubka saldhigaas yaallay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ay iska caabiyeen weerarkaas, waxayna sheegtay in ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen kooxda Shabaab ee soo weerartay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in weerarkaas Shabaab looga dilay kontomeeyo islamarkaana Galmudug ay u dirtay gurmad ciidamo laga soo kala diray magaalooyinka Gaalkacyo, Dhusamareeb, Hobyo iyo deegaamo kale.

Galmudug waxay ugu dambayn tacsi u dirtay ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka Wisil ee isugu jiray ciidamo iyo shacab, mana sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray ciidamada Galmudug iyo dadka shacabka ah.

kooxda Alshabaab ayaa sheegatay in ay 52 askari ku dileen weerarka ay kusoo qaadeen Wisil. Bishii Ramadaan ayay ahayd markii Alshabab ay si nabad galyo ah kula wareegeen degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online