4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 27, 2021
Wasiirka warfaafinta Somaliland oo u jawaabay madaxweyne Farmaajo
 

Axad, Juun, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleeban Yusuf Cali Koore, ayaa wax laga xumaado ku tilmamay hadalkii madaxweyne Farmaajo ee aha "Somaliland kacdoon midnimad doon baa ka socda".

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanay arrimaha Somaliland waxba ka khusayn.

"Waxan aad uga xumahay in madaxweynaha wakhtigiisu dhamaday, ee tangiyada Afrikanku ku wareegsanyihin uu dad tashaday yidha kacdon baa ka socda" ayuu yidhi.

Wasiir Koore ayaa sheegay in caalamku uu xaqiiqsaday jiritaanka umada Somaliland.

"Caalamku waxay fahmeen oo ay garteen in umada Somaliland tahay, umad xaqiijisay dimuquradiyada iyo jiritaanka" ayuu yidhi.

"Umada Somaliland maaha umad sida adhiga dasada (gasac) shugux-shuguxda ka didaysa" ayuu yidhi.

Koore ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Farmaajo anu waxba u dhimayn Somaliland.

"Kalmad uu Farmaajo yidhi uma malaynayo in ay wax u dhimayso reer Somaliland" ayuu yidhi.

Wasiir Koore ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu cadawad kula kacay Somaliland tan iyo markii la doortay.

"Waxay umada Somaliland ka dharagsantahay ilaa maalintii 100 nin doorten ee qolka lagu xereeyay in uu cuqdad iyo cadawad umada Somaliland la daba joogay" ayuu yidhi.

Hadalka wasiir Koore ayaa yimid kadib markii madaxweyne Farmaajo sheegay in Somaliland uu ka socdo kacdoon midnimo doon.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]