4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 27, 2021
Puntlad oo farriin culus u dirtay ururka Alshabaab kadib xukunkii maanta lagu fuliyay 21 nin oo Shabaab ah
 

Axad, Juun, 27, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka booliiska gobolka Mudug gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire ayaa farriin culus u diray ururka Alshabaab, kadib markii maanta magaalada Gaalkacyo lagu toogtay 18 nin oo ay Puntland ku sheegtay in ay ahaayeen shabakad Shabaab katirsan oo dilal iyo qoraxyo ka geystay Puntland.

Gaashaanle sare Muumin Shire oo saxaafadda kula hadlayay goobta toogashadu ka dhacaysay, ayaa sheegay in Puntland uusan ka fakan doonin qof kaste oo isku daya inuu ummadda dhiiggeeda daadiyo.

Muumin wuxuu sheegay in ay ogyihiin odayaal iyo ganacsato la shaqeyn jiray Alshabaab oo hay'adda amnigu il gaar ah ku hayaan.

"Waxaan ognahay dad badan oo waawayn oo odayaal ah, oo ganacsato leh, oo cid kaste leh, oo howlahaas ku lug leh ama kasoo shaqeeyay. Cid aan daynayno ma jiridoonto. Waxaan wax ku dilaynaa sharci iyo si dadban.”

Si kastabe ha ahaaatee, Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay 21 rag ah oo ururka Alshabaab katirsanaa. 18 kamid ah ayaa lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, 2 kale ayaa lagu toogtay Garowe, halka midna lagu toogtay magaalada Qardho.

Waa dil wadareedkii ugu badnaa oo ay Puntland ku rido xubno katirsan Alshabaab. Muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada ayaa la arkayay ciidamada Puntland oo si toos u tooganaya xubnaha Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online