4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 27, 2021
Al-shabaab "34 askari ayaan ku dilnay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolka Mudug"
 

Axad, Juun, 27, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa guulo waa weyn ka sheegtay dagaal culus oo qarax Ismiidaamin ahaa ku bilaawday oo aay saaka waabarigii hore ku qaadeen Saldhiga deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegatay iney weerarka saakay aroortii hore ku beegsadeen Saldhiga ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Wisil aay jab xoogan ku gaarsiyeen ciidanka dowladda kuna furteen gaadiid iyo hub farabadan, islamarkaana aay la wareegen gacan ku heynta deegaanka Wisil.

Waxay intaasi ku dareen in dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Wisil aay ku dileen 34 askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta maamulka Galmudug oo ku sugnaa deegaanka Wisil oo qiyaastii 50KM u jirta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha amniga ee maamulka Galmudug oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Wisil iyo waliba guulaha aay Al-shabaab ka sheegatay dagaalkii saaka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]