4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2021
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo si faahfaahsan uga hadlay afduubka Kenya loogu geysto gabdhaha Soomaalida
 

Sabti, Juun, 26, 2021, (HOL) - Iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyay walaac xoogan laga muujinaayay xaalada amaan darro ee soo wajaheysay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkaasi Kenya, ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo ka mid ah Baarlamaanka dalka Kenya.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa sheegay iney bilaaween dadaalo xoogan oo ku aadan sidii aay wax uga qaban lahayeen afduubka lagu beegsanaayo dadka Soomaaliyeed, islamarkaana sheegay iney kala hadleen hay'adaha aay quseyso arrimaha amniga sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka la xariira afduubka iyo sidii looga hortagii lahaa.

"Laamaha amniga iyo nabadgalyada dalka waxaan kala hadlay badbaadinta iyo xoojinta nabadgalyada shacabka Soomalida, waana waajib saaran iney dabagalaan oo aay qaadaan talaaboyin deg deg ah oo lagu soo afjarayo Buracada wax afduubata" ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney muujiyaan taxadar iyo foojignaan dheeri ah, waalidiintana aay ogaadan halka aay aadayaan caruurtooda iyo waliba cida ay la socdaan.

"Anaga inta aan ognahay waxa la afduubtay 3 gabdhood waxana la soo badbaadiyay Xafsa, wayna dhici karta iney jiran gabdho kale oo la'yahay oo afduuban, waxaa naloo xaqiijiyay kiiska hal gabar oo meydkeda laga helay Mombasa loona soo qabtay gabar kale oo Soomaali ah oo ku eedeysan kiiskaas, waxanse ugu baaqaya waalidinta ineysan buracada gabdhaha afduubta aysan siinin lacago madax furasho ah oo aay laamaha amniga soo wargeliyaan sababto ah hadii burcada lacag la siiyo wey sii kordhayaan" ayuu yiri Xildhibaanka.

Isagoo sii hadlaayay ayuu sheegay inuu ugu baaqayo dadka baraha bulshada ku buunbuuniyo dhibaatooyin aanan badneen oo Soomaalida ku haysto Kenya oo uu sheegay ineysan aheyn xaalada sida wax loo buunbuuninaayo.

"Dhalinyaradeena waxay ka buuxaan xabsiyo kuyaala Ingiriiska maalin walba lagu dilaa wadamo badan sida, Koofur Afrika, Ingiriiska, Mareykanka iyo meelo kale Soomaaliyana waaba la ogyahay, wax la isbarbar dhigi karo mahan" ayuu yiri xildhibaanka

Waxuu sidoo kale ka hadlay wararka la xariira nadaafad darada lagu tilmaamo suuqa ugu weyn Kenya ee kuyaala xaafada Islii, isagoona sheegay in wax waliba halmar la qaban karin aayna ku talo jiraan baabi'inta howlaha nadaafad darada ee ka muuqda wadooyinka qaar ee xaafada Soomaalida degto ee Islii.

"Wadanka Kenya waxaa ku nool Sadax Milyan iyo bar Soomaali ah waxayna ganacsiyo waa weyn iyo dabaqyo dhaadheer ku leyihiin Suuqa ugu weyn Nairobi ee Islii oo maalinkasta aay usoo ganacsi tagaan laba boqol oo kun oo qofood, waxaan ugu baaqaya iney ka shaqeyaan nadaafada oo qof waliba hagaajisto bilicda hortiisa" ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan.

Hadalka Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa kusoo beegmaya xili Soomaalida ku nool dalka Kenya aay lasoo darstay cabsi iyo welwel la xariira afduub loo geysanaayo gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]