4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2021
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo goordhaw Muqdisho soo gaaray


Sabti, Juun, 26, 2021, (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ujeedka safarka madaxweyne Axmed Madoobe uu ku tagay magaalada Muqdisho ayaa ah ka qeybgalka casuumaad shirka golaha wadatashiga qaranka oo uu iclaamiyay Raysal wasaaraha Soomaaliya, kaasoo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

"Waxaan maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho aniga iyo wafdi aan hogaaminayo si aan uga qeybgalo shir muhiim ah oo la xiriira arimaha Doorashooyinka, waxaa muuqata in baahi weyn loo qabo qabashada doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha si loo amba qaado himilooyinka shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook uu ku leeyahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale shalay magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis  Xasan Maxamed Laftagareen, waxaana sidoo kale saacadaha soo socda la filayaa inay magalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha dowlad goboledyada kale ee Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.

Shirka ay yeelanayaan madaxda golaha wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka iyo waxyababahii ka qabsoomay heshiiskii 27-kii bishii May lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]