4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 24, 2021
Soomaaliya oo dalka Japan u diraysa ciyaartooydii ugu horeysay oo uga qeyb galaya cayaaraha Taekwondo-ga
 

Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Tokyo ee caasimadda Japan u diraysa ciyaartooydii ugu horeysay ee uga qeyb galaya cayaaraha Taekwondo-ga oo muddo bil kadib dalkaas ka bilaabanaya.

Ma jiro ciyaartooy mataleysa Soomaaliya oo waligood billad ku qaatay Olombikada, laakiin Muniira Warsame oo 20 jir ah ayaa dadaal badan ugu jirta inay noqoto qofkii ugu horreeyay marka ay ka qeyb gasho ciyaaraha xagaaga.

Cayaaryahannada Soomaaliya u matalaysa Taekwondo-ka ayaa ku dhalatay dalka Ingiriiska kadib markii waalidkeed ay ka soo carareen colaadihii ka jiray Soomaaliya.

“Dareenka ah inaan matalayo wadankeyga ciyaaraha Olombikada markii ugu horeysay, waxay ahayd riyo aan ku taamayay nolosheyda tan iyo markii anigoo lix jir ah aan bilaabay Taekwondo. Sidoo kale waxay ii noqon khibrad aad u wanaagsan, "ayay tiri Muniira.

Sida laga soo xigtay guddiga Olombikada Soomaaliyeed, ugu yaraan lix ciyaartooy ayaa Soomaaliya ku matali doona Tokyo oo ka kooban seddex qaybood oo kala ah, taekwondo, feerka, iyo orodka.

In ka badan 11,000 oo ciyaartooy oo ka kala socda daafaha dunida ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan ciyaaraha Tokyo, kuwaas oo dib loo qorsheeyay sanadkii hore sababtoo ah faafida cudurka coronavirus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online