3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 24, 2021
Al-shabaab oo sheegtay iney la wareegeen deegaano ku yaala gobolka Sh/dhexe
 

Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay iney la wareegeen deegaano badan oo ku yaala gobolka Sh/dhexe oo aay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa barta aay ku leeyihiin Internet-ka ku daabacay qoraalo aay ku sheeganayaan iney la wareegeen deegaano badan oo hoos yimaada degmooyinka Jowhar, Mahadaay iyo Raage Ceelle oo dhamaantood ka tirsan gobolka sh/dhexe, halkaaso oo mudooyinkii dambe dagaalo xoogan ku dhexmarayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Al-shabaab.

Deegaanada Al-shabaab aay sheegteen iney la wareegeen waxaa ka mid ah Warciise, Qoordheere, iyo deegaano kale halkaas oo aay sheegeen iney isaga baxeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa muddooyinkii dambe.

Deegaanadan aay Al-shabaab dib ula wareegeen waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaalo aad u qaraaraa oo dhexmaray Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka oo ku saabsan ka bixitaanka deegaanadii aay horay ugu sugnayeen, waxaana la sheegay in ciidankii deegaanadaasi baneeyay oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raagge inay gaareen degmada Raage Ceelle ee gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/24/2021 11:47 AM EST
Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in la qaadan karo lacagta kontonka dollarka, taasoo bilihii ugu dambeeyay laga diidanaa suuqyada sarifka iyo bangiyada kuyaala Soomaaliya.

6/24/2021 10:20 AM EST
Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Wajiga koobaad ee dhismaha dekeda Berbera, oo ay hirgalisay shirkada DP World, ayaa maanta si rasmi ah loo furay.

6/24/2021 10:12 AM EST
Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

6/24/2021 7:56 AM EST
Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Tokyo ee caasimadda Japan u diraysa ciyaartooydii ugu horeysay ee uga qeyb galaya cayaaraha Taekwondo-ga oo muddo bil kadib dalkaas ka bilaabanaya.

6/24/2021 7:24 AM EST
Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee maanta diyaraad nooca loo yaqaano Helikobtar oo u safreysay layli aay ku dhacday duleedka magaalada Nairobi.

6/24/2021 5:32 AM EST
Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wufuud ka kala timid wadamada Itoobiya iyo Gini Bissau oo Berbera u yimid ka qayb galka furitaanka dekeda.

6/24/2021 3:14 AM EST
Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay si aad ah uga walaacsan tahay wararka sheegaya in daraasiin dad rayid ah lagu dilay intii lagu guda jiray duqeyn 22-kii bishan lala beegsaday suuq ku yaal waqooyiga Tigray.

6/24/2021 2:42 AM EST
Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari ku qabtay Markab si sharci darro uga Kalluumaysanaayey Badda Soomaaliya.

6/24/2021 2:30 AM EST
Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Ciidamada Falaagada TPLF ayaa la sheegay iney la wareegeen xarunta Raadeerada ee la socodka duulimaadyada gobolka Tigray.

6/24/2021 1:47 AM EST
Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo dagaalmayaasha Al-shabaab ku dhexmray deegaanka Biyo cadde ee gobolka Sh/dhexe.