3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 22, 2021
In kabadan 700 oo caruur ah oo lagu dilay Soomaaliya sanadkii 2020- sida lagu sheegay warbixin UN-ka
 

Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - In ka badan 700 oo caruur ah ayaa lagu diley ama lagu naafeeyey Soomaaliya sanadkii 2020 kadib xadgudubyo ay geysteen kooxda  Al-Shabaab, ciidamada dowladda, maleeshiyo beeleedyo iyo AMISOM, sida  lagu sheegey warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Warbixinta ayaa xustay in 222 carruur ah la dilay halka 481 la naafeeyey. Tirada kamid ah dhibbanayaasha oo dhan 252 waxaa lagu eedeeyay Al-Shabaab halka ciidamada dowladda  ay mas'uul ka ahaayeen 43 kiis.

Warbixintu waxay sidoo kale ciidanka Booliska Soomaaliya ku sheegtay in ay ka masuul yihiin 35 kiis oo lagu dhibaateeyay carruurta, halka dowlad goboleedyada kiisas intaas ka yar laga diiwaan galiyay deegaanadooda

Khasaaraha ugu badan oo gaaraya 158 kiis, waxaa warbixinta lagu sheegay inay ka dhasheen waxyaabaha qarxa ee macmalka ah waxaana ku xiga is rasaaseyn dhex martay kooxo hubeysan oo ay ku wax yeeloobeen 155 carruur ah.

Ciidamada Amisom ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay geysteen shan kiis, halka ciidamada difaaca Kenya ay warbixinta ku xustay saddex kiis. Waxaa jirta tiro dhan 296 kiis oo dusha loo saariyay kooxo hubaysan oo aan la aqoonsan.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in 1,442 wiilal ah iyo 53 gabdhood oo qaarkood ay da`doodu yartahay sideed sano ay qoreen Al-Shabaab iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Kiisaska badankooda oo gaaraya 1,169  waxaa qortay Al-Shabaab, waxaana ku xigay 100 kiis oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed halka 74 ka mid ah ay qorteen Ciidanka Xoogga Dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/22/2021 12:37 PM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaran shir Sabtida ka dhacaya magaalada Muqdisho.

6/22/2021 11:26 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxammed Cabdilahi (Cirro),ayaa sheegay in xukumadu anay ku qanacsanayn aqlabiyada isbahaysiga mucaaradka.

6/22/2021 10:28 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa digniin kasoo saaray ku dhaqanka sharuuc iyo dhismaha hey'addo sharci darro uu ku sheegay oo aanan soo marin Aqalka Sare.

6/22/2021 8:36 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidanka xoogga dalka, G/sare Cali Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ay ciidamada dowladdu dagaallo shalay ka dhacay gobolka shabeeladda dhexe ku dileen 17 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

6/22/2021 8:16 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha magaalada Baledweyne.

6/22/2021 7:52 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa Cabdirisaq Khaliif Axmed u sharaxay doorashada shirgudoonka wakiilada halka gudoomiye ku xigeenka ay ka dhigeen Cumar Jaamac Faarax.

6/22/2021 2:38 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay kulan kuwada yeeshay Aaladda wadahadalka khadka Zoom-ka.

6/22/2021 2:17 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Dableey Bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay waxay degmada deyniile ee gobolka Banaadir ku dileen guddoomiyahii Waaxda Kurdamac ee degmada Deyniile Cabdi Cabdulle Cismaan oo loo yaqaanay Cabdi Juge.

6/22/2021 1:25 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku caddeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka.

6/22/2021 1:15 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in xadgudubyada lagula kaco carruurta ku nool wadamo ay Soomaaliya kamid tahay, ay yihiin kuwo si aad ah looga argagaxo.