4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 22, 2021
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo si kulul uga hadlay dilalka ka dhaca magaalada Baledweyne
 

Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha magaalada Baledweyne.

Isagoo ka qeybgalayay aaska allah u naxariiste guddoomiyahii dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax diir Cabdi Cali oo maanta lagu aasay magaalada Baledweyne.

Guddoomiye Jeyte ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska iyo qaraabada uu ka baxay marxuumka, waxuuna sheegay inaan la aqbali karin dilalka noocaan ah ee loo geysanaayo dadka haldoorka ah oo kusoo badanaya magaalada Baledweyne.

Magaalada Baledweyne waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shaqsiyaadka caanka ah iyo xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]