3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 21, 2021
Natiijada baaritaanka dilkii Sheikh Cali Axmed Faarax (Cali Dheere) oo Gaalkacyo lagusoo bandhigay Gaalkacyo
 

Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Guddi loo xilsaaray baaritaanka dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sheikh Cali Axmed Faarax (Cali Dheere), ayaa maanta soo bandhigay warbixin ku saabsan natiijada baaritaan dilkiisa.

Guddiga waxay sheegeen in ay baaritaan ku ogaadeen in uu dilkaas ka dambeeyo dable katirsan ciiddanka daraawiishta Galmudug oo lagu magacaabo Cabdixakiin Cabdi Salaan Aadan (Hindhiso).

Askarigan ayaa la sheegay inuu katirsanaa saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, waxaana dilka gacan ku siiyay labo askari , kuwaas oo marka uu dilku dhacay u baxsaday degmada Galdogob.

Guddiga waxay Puntland iyo Galmudug ugu baaqeen in si degdeg ah loosoo qabto gacan ku dhiiglaha, si caddaalada loo horkeeno.

Sheikh Cali Dheere, oo maalmo ka hor dilkiisa loo xiray tuhun Alshabaabnimo ayaa maamule ahaa xarun Agoomaha lagu daryeelo, waxaana dilkiisa ka dhashay caro aad u weyn.

Maalintii ciidul fidriga kumaan dadweyne ah ayaa isugusoo baxay waddooyinka koonfurta Gaalkacyo, iyagoo muujinayay sida ay uga xun yihiin dilkaas, waxayna dalbanayeen in uu caddaalad helo.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor ayaa kadib magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dilka Sheikha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
   













Click here
6/21/2021 5:04 PM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL)- Hay'ada caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa dawooyinka lagaga hortago iyo kuwa lagu daweeyo xanuunka Shubanka ku wareejiyay Somaliland.

6/21/2021 3:36 PM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw oo Caawa ah halkaasi lagu dilay guddoomiyahii Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax Diir Cabdi Cali.

6/21/2021 1:27 PM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Buuhoodle, ayaa mayor u doortay Khadiija Axmed Yuusuf halka ay mayor ku xigeena u doorteen Mustafe Cabdi Ayaanle.

6/21/2021 10:50 AM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Soomaaliya ka mid tahay waddamada loo bahanyahay in Somaliland la baro.

6/21/2021 9:04 AM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Guddiga Farsamada arrimaha doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in xubnaha guddiyada doorashada dalka inaay ku soo xaroodaan ugu dambeyn maalinta Khamiista ah si loogu bilaabo tababaro ku saabsan habka aay ku shaqeyn lahayeen.

6/21/2021 3:08 AM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sameeyay guddiga ka shaqeyn doona amniga doorashooyinka dalka.

6/21/2021 2:46 AM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Kumaandooska Gorgor ee dowladda Soomaaliya.

6/21/2021 1:48 AM EST
Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo wax soo saarka dalka, taaso kor u qaadeyso dhaqaalaha dalka fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabka Soomaaliyeed.