4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2021
Somaliland oo bilaabaysa wajiga labaad ee tallaalka Covid-19
 

Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Wasaarada caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in ay bilaabayso bixinta wajigii labaad ee tallaalka Covid-19.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland Maxmed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in wasaaradiisu ay diyaarisay wajiga labaad (second shot), ee tallaalka Covid-19.

"Waxan doonayaa in aan dadweynaha la wadaago in wasaarada caafimaad ku ay bilabayso wajiga labaad ee tallaalka Covid-19" ayuu yidhi.

"Wasaaradu waxa ay baryahaaba waday in ay diyaariso wajigi labaad ee tallaalka wayna ku guulaysatay" ayuu hadalkisa ku daray.

Agaasimaha ayaa dadwaynaha ku booriyay in ay qaataan wajiga labaad (second shot) ee tallaalka.

Tallaalkan ayaa loogu talo galay dadkii qaatay wajigii kobaad ee tallaalka oo sugayay in ay qatay markii labaad.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]