4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2021
Somaliland: Ardayda dugsiyada sare iyo dhexe oo u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah
 

Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - 32,849 arday ayaa u fadhiistay imtaxanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sarre ee Somaliland, ardaydan ayaa iskugu jira, 21, 148 arday oo dugsiyada dhexe ah iyo 11,701 arday oo dugsiyada sarre ah.

Dugsiyada dhexe waxaa u fadhiistay 12,290 wiil iyo 8,858 hablood, halka dugsiyada sare ay u fadhiisteen 6,885 wiil iyo 4,816 hablood.

Tirada dugsiyada uu imtaxaanku ka dhacayo ayaa ah 707 dugsi oo kala ah 151 dugsi sare iyo 556 dugsi hoose dhexe.

Ardayda baahiyaha gaar ka ah qaba ayaa iyaguna ka qayb galaya imtaxaanka, wasaarada waxbarashada ayaana u diyaarisay goobo ku haboon oo ay imtaxaanka ku galayaan sida uu sheegay agaasimaha waxbarashadu.

Imtaxaanka ayaa sanadka waxa ku cusub ardayda ku dhaqan magaalada Taleex oo aan iyagu hore uga qayb gali jirin imtaxaanada Somaliland.

“Taleex oo gobolka  Xaysimo ah ayaa sanadkan inagu soo biirtay, oo sanadkan laga qaadayaa, dhamaan dalka oo dhana si nabad galyo ah ayuu imtaxaanku uga bilaabmay” sida waxa yidhi agaasimaha waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in imtixaanka looga fadhiistay deegaanada Sanaag Bari oo dhawaan ay dowlad goboleedka Puntland sheegtay in ay ka joojin doonto.

Imtaxaankan ayaa noqonaya kii ugu balaadhnaa ee Somaliland looga fadhiisto iyadoo deegaano cusub oo aan hore imtaxaanku uga dhici jirin ay sanadkan ku jiraan.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]