4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2021
Cabdiraxmaan Cabdishakuur " Guddiga doorashada wali waxaa ka buuxa taageerayaasha madaxweyne Farmaajo"
 

Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa markale si aad ah u dhaliilay guddiga doorashada Soomaaliya oo uu sheegay iney wali ku jiraan xubno badan oo ka tirsan taageerayaasha madaxweyne Farmaajo.

Siyaasi Warsame ahna Musharax madaxweyne ayaa intaasi ku daray in 20 meeyo ka mid ah taageerayaasha madaxweyne Farmaajo iyo tobaneeyo dharcad ah aay wali ku jiraan guddiga doorashada dalka, islamarkaana waxuu sheegay in guddiga laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeyay iney kasoo horjeeday madaxweyne Farmaajo.

"Waxaa Guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeyey in ay Farmaajo ka soo horjeedday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka. Dhinaca kale, ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira. Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble" ayaa lagu yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Siyaasi C/raxmaan C/shakuur.

Eedeynta C/raxmaan C/shakuur ayaa imaaneysa xili qaar ka mid ah guddiga doorashada lasoo badalay kadib markii la sheegay in lagu helay eedeymo laga soo gudbiyay oo ahaa iney ka tirsanayeen shaqaalaha Madaxtooyada iyo Haya'adda NISA lamana oga eedeyntan cusub ee Musharax C/raxmaan C/shakuur waxa aay ka badeli karto guddiga doorashada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]