3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2021
Xisbiga Waddani oo ka hadlay kalfadhiyada golayaasha deegaanka degmooyinka qaar oo dib u dhacay
 

Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa xukuumada ku eedeeyay dib u dhac kuyimid kalfadhiyada golayaasha deegaanka ee degmooyinka, Laascaanod, Burco iyo Oodwayne.

Xogeeyaha ayaa tilmamay in wasiiro xukuumada ka tirsani ka danbeeyaan dib u dhaca kalfadhiyada.

"Doorashadii maayarada iyo ku xigeenada Laascanood iyo Burco Sabab la'aan ayaa dib loogu dhigay waxaana sabab u ah wasiiro ka baqaya in guul darada sababteda xilalka looga qaado" ayuu yidhi.

Xogeeyaha ayaa wasiirada ku eedeeyay in ay laaluush isticmalayaan, si ay u iibsadaan xildhibanada mucaaradka oo loo doorto mayaro Kulmiye ah.

"Lacag iyo dawarsi cod laguma helo balse shacabka ayaa bixiya" ayuu yidhi.

"Wasiirada waxaanu leenahay shacabka ka xishooda, diinta ka xishooda dhaqankana ka xishooda" ayuu hadalkiisa ku daray.

Xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin dib u dhacyada ku yimid, kalfadhiyada golayaasha deegaanka degmooyinka Laascaanod, Burco iyo Oodweyne.


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]
 
    













Click here
6/19/2021 1:01 PM EST
Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray liiska kama dambeyska ah ee wax ka badalka guddiyada doorashooyinka heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo kuwa Somaliland.

6/19/2021 10:44 AM EST
Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Wasaarada caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in ay bilaabayso bixinta wajigii labaad ee tallaalka Covid-19.

6/19/2021 10:31 AM EST
Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Qaar kamid ah Culimada iyo Isimada Puntland ayaa ka hor yimid xeer lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha, kaas oo todobaadkii hore ay meel mariyeen golaha wasiiradda Puntland.

6/19/2021 9:58 AM EST
Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Sagaal ka mid ah 13 xildhibaan ee golaha degaanka degmada Laascaanood ayaa saaka isugu yimi afaafka hore ee xarunta dawlada hoose si ay u yeeshaan kalfadhigii u horeeyey ee ay ku dooran lahaayeen hogaankooda, taas oo noqotay mid aan suuragelin.

6/19/2021 7:53 AM EST
Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - 32,849 arday ayaa u fadhiistay imtaxanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sarre ee Somaliland, ardaydan ayaa iskugu jira, 21, 148 arday oo dugsiyada dhexe ah iyo 11,701 arday oo dugsiyada sarre ah.

6/19/2021 7:04 AM EST
Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa markale si aad ah u dhaliilay guddiga doorashada Soomaaliya oo uu sheegay iney wali ku jiraan xubno badan oo ka tirsan taageerayaasha madaxweyne Farmaajo.

6/19/2021 6:37 AM EST
Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Antonio guterres dib-u-doorashadiisa markii labaad inuu noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

6/19/2021 6:09 AM EST
Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed C / risaaq Maxamuud, ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirka Diblomaasiyadda Antalya, oo socon doona 18-ka ilaa 20-ka Juun.

6/19/2021 3:27 AM EST
Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe Madaafiic aay ku garaaceen dagaalamayaasha Al-shabaab.

6/19/2021 1:54 AM EST
Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Burcad hubeysan oo Koofur Afrikaan ah ayaa xalay waxay ku dileen goobtiisa ganacsi muwaadin Soomaaliyeed.