3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 17, 2021
Xukuumadda oo shaacisay wadahadal khadka Taleefanka ku dhexmaray Rooble iyo Qoorqoor
 

Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay iney rajo wanaagsan ka qabto inuu si deg deg ah kusoo gudbiyo madaxweynaha maamulka Galmudug liiska guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Galmudug.

Shalay ayay aheyd markii Xukuumadda Soomaaliya sheegtay in madaxweynaha Galmudug uu lasoo daahay soo gudbinta liiska laga sugaayay, islamarkaana aay ka dalbatay inuu soo dedejiyo soo gudbinta liiska guddiyada doorashada maamulka Galmudug.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye inuu soo gudbiyo liiska guddiga doorashooyinka Dowad Goboleedka Galmudug ee wax ka badalka lagu sameeyay .

Waxaa la sheegay inuu wadahadal khadka telefoonka ku dhexmaray Raysal wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayuu Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyay Raysal wasaaraha sida ballankuba uu ahaa inuu soo gudbinaya liiska sida ugu dhaqsaha badan.

"Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu door fiican ku lahaa howshii xasilinta Caasimadda iyo Hishiiskii ay dhawaan Madaxda Dowlad Goboleedyadu ku saxiixeen Muqdisho kaas oo dalka u jiheeyay doorasho" waxaa sidaasi lagu yiri qoraal bartiisa Facebook uu soo dhigay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibrahim Macalimuu.

Gabagadii maamulka Galmudug ayaa noqonaya maamulka kaliya ee ku dhiman tahay soo gudbinta liiska guddiyada doorashooyinka dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/17/2021 7:36 PM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan duco iyo dardaaran ah la yeeshay 17 xubnood ee dhawaan loo doortay golaha deegaanka ee Hargaysa.

6/17/2021 10:14 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland ay waraaqo u dirtay caalamka si loo iib geeyo doorashooyinkii qabsoomay.

6/17/2021 9:15 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Golaha degaanka degmada Xuddun oo si buuxda loo ansixiyey ayaa doortay gudoomiye iyo ku xigeen kadib markii ay kulankoodii u horeeyey ku yeesheen magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

6/17/2021 6:49 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee laga sugaayay inuu soo gudbiyo.

6/17/2021 6:13 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Hargaysa, ayaa Cabdikariin Axmed Mooge u doortay mayorka cusub ee Hargaysa, halka Khadar Axmed Cumar loo doortay mayor ku xigeen.

6/17/2021 5:35 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowlada Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka wadanka Norway u fadhiya Soomaaliya Elin Bergithe Rognlie, kuwaas oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada wadan.

6/17/2021 5:30 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isla meel dhigay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dib usoo celinta xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dowladood.