4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 16, 2021
Puntland oo shaacisay in ay gacanta ku dhigtay hub iyo saanad milatari oo ay lahaayeen Alshabaab
 

Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay inay ururka Alshabab ka qabsadeen Saanad hub ah, qalab ay ku diyaarin jireen qaraxyada, jaakadaha qaraxyada iyo miinooyin diyaarsanaa.

Wasiirka amniga oo la hadlay BBC, ayaa sheegay in ay ciidamadu howlgallo ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari. Wuxuu sheegay ciidamadu in aysan wax  iska caabin ah kala kulmin Alshabab. Isaga sheegay in ay ka carareen howlgallada ciidamada.

Cabdisamad Gallan wuxuu sheegay ciidamadu in ay si dhameystiran uga howgalayaan dhulka ay ku dhuumaalaysanayaan Alshabab ayna ciidamadooda u diyaariyeen habab cusub oo ay ku wajahayaan dagaaladda Alshabab iyo Daacish.

“Labadii sano ee ugu dambeeyay, waxaan ku mashquulsanayn ciidanka dhisidooda, diyaarintooda iyo qalabayntooda. Ciidankaan waxaan rabnaa in ay argigixisada ugu tagaan meel kaste oo ay ku dhuumaalaysanayaan, waxaa sidaas yiri wasiirka amniga Puntland.

Wuxuu sheegay wasiirka amnigu in ay Alshabab taageero caalami ah ka helaan dibadda gaar ahaan ururada argigixisada, sidaas darteedna ay  u baahan yihiin  tageero ku aadan dagaalka argigxiisada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online