10/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 14, 2021
Ciidamada Dowladda oo howgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano badan oo hoos yimaada magaalada Kismaayo
 

Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ayay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deeganada ku yaala Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Deegaanada howlgalada aay ka sameeyeen ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland waxaa ka mid ahaa Beerxaani, Golashimbi, Labikuus, Cabdi dhoore iyo deegaano kale oo ka tirsan Jubbada Hoose oo aay ku sugnayeen intooda badan dagaalamayaasha Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada ku hadasha afka ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in khasaare xoogan aay gaarsiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab inta aay howlagalada ku guda jireen.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad ee ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay in howlagalada aay kula dagaalamayeen Shabaab aay ku dileen 16 askari oo ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab, isagoona intaa ku daray iney sii wadi doonaan howlahalada aay kula dagaalamayaan Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/14/2021 11:25 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Kenya iyo Soomaaliya waxay dib ugu soo laabteen dhabbihii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ka dib khilaaf daba dheeraaday oo labada dal ka dhaxeeyay tan iyo sanadkii hore.

6/14/2021 11:14 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Ciidanka nabad sugida Puntland ayaa soo bandhigay askari horey uga tirsanaa ciidanka Puntland oo kasoo goostay kooxda Alshabaab sida uu lagu sheegay wareysi muuqaal ah oo laga duubay askarigan.

6/14/2021 10:48 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 17 nin oo ka tirsan ururka Alshabaab. Halka mid 18-aad oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Axmed Buraale lagu xukumey Xabsi daa’in, sida lagu xusay go'aan maxkamadda kasoo baxay.

6/14/2021 6:12 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose.

6/14/2021 1:34 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo aay sheegeen in ciidamada amaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabqabtay dad kala duwan.

6/14/2021 1:22 AM EST
Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa bayaan kasoo saaray guddigii maalin ka hor uu magacaabay Raysal wasaataha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iney baaritaano kusoo sameeyaan xaalada aay ku sugan yihiin ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eriteria, kuwaas oo la sheegay in laga qeyb galiyay dagaalo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya.