4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 13, 2021
Maraykanka oo ciidamo gaar ah u diraya Kenya si ay u fuliyaan howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab
 

Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah oo Mareykan ah loo dirayo Kenya si ay gacan uga geystaan dadaallada ka dhanka ah Alshabab.

Madaxweyne Biden ayaa warqad uu u qoray Koongaraska Mareykanka, wuxuu ku sheegay inuu ogolaaday in ciidamo gaar ah loo diro Kenya, kuwaas oo la filayo inay iskaashi kala sameeyaan militariga Kenya ee la dagaalanka Al-Shabaab.

Tirada ciidamada lamasheegin. Qorshaha ciidan ee Mareykanka ayaa la filayaa inuu noqdo mid xoojiya amaanka dalka Kenya oo sanadihii ugu dambeeyay la kulmayay weeraro qasaaro badan dhaliyay oo kaga imaanayay Al-Shabaab.

Madaxweyne Biden, wuxuu shaaca kaga qaaday warbixintiisa ugu weyn in militariga Mareykanku ay qaadi doonaan duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab si loo yareeyo qatarta ay leeyihiin, isagoo qirtay dhowr jeer oo duqeymo caynkan oo kale ah horey u dhaceen tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa bishii Diseembar ee la soo dhaafay wuxuu amar ku bixiyay in laga soo saaro Soomaaliya tiro ciidan oo lagu qiyaasay 700 oo askari oo Mareykan ah ugu dambeyn 15-ka Janaayo 2021.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online