4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 13, 2021
Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Sh/hoose
 

Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo saacadahii lasoo dhaafay ciidamada Militariga Soomaaliya ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Howlgalada waxaa si gaar ah looga sameeyay deegaano dhowr ah oo aay ka mid yiiin tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi oo ah deegaano hoos yimaada degmada Janaale.

Saraakiil ka tirsan guutada 14-ka Oktobar oo la hadlay Idaacada ku hadasha afka ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in howlgalada aay ku dileen 7 askari oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliska guutada 14-ka Oktoobar ayaa intaasi ku daray in howlgalada aay ka wadaan deegaanada gobolka Sh/hoose aay kaga sugan yihiin Al-shabaab aay sii socon doonaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]