3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo dhexmaray ciidamada Kenya iyo Al-shabaab
 

Sabti, Juun, 12, 2021  (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabo gal ah oo aay ciidamo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ku qaadeen Kolanyo gaadiid ah oo aay wateen ciidamada Kenya oo ku socdaalayay deegaano ka tirsan degmada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Tagaabo iyo tuulada Kintoo waxaana halkaasi ku dhexmaray ciidamada Al-shabaab iyo kuwa Kenya dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya oo ka hadashay weerarka aay kusoo qaadeen Al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheeegay iney iska difaaceen weerarka kaga yimid ciidamada Shabaab islamarkaana aay gaarsiyeen jab xoogan.

Al-shabaab ayaa dhankooda baraha bulshada aay ku leyihiin ee Internetka ku shaaciyay iney guulo ka gaareen weerarka aay ku qaadeen kolanyada ciidamada Kenya kuna dileen laba askari, islamarkaana aay kusoo furteen hub fara badan.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay weeraro gaadmo ah iyo kuwa toos ahba ka geysanayay gudaha dalka kenya waana werarkii labaad oo todobaadyo gudahood aay ka geystaan deegaano hoos yimaada magaalada Mandhere ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/12/2021 11:55 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.

6/12/2021 10:58 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in isbahaygsigu uu guul u yahay mucaaradka isla markaana aanu wax cusub ahayn.

6/12/2021 9:57 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Dowladda Sacuudi ayaa maanta shaacisay in Xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya dadka muwaadiniinta ah ee ku nool gudaha wadanka Sacuudiga.

6/12/2021 9:23 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu qorshaynayo in si xanaf la’aan ah ay doorashada mayorada iyo shirgudoonka wakiiladu kusoo dhamaato.

6/12/2021 8:49 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan kaas diiradda lagu saaray xaalada dalka.

6/12/2021 6:37 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Gagaduud ayaa sheegaya in halkaasi nin hubeysnaa uu dil ugu geystay nin oday ahaa oo la sheegay inuu ku sugnaa gurigiisa xiliga la dilay.

6/12/2021 6:24 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta ku dhawaqday in la qaaday xayiraadii lagusoo rogay addeega lacagaha danabaysan ee sintiyada dollarka ee ay bixiyaan shirkaddaha isgaarsiinta ee ka howlgalla deegaanadeeda.

6/12/2021 6:05 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya qaababka dib loogu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya.

6/12/2021 4:46 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminaayo Safiirka Soomaaliya u fadhiyada dalka Turkiga Jaamac Ceydiid Maxamed ayaa gaaray magaalada Baku ee Caasimaadda wadanka Azerbaijan.

6/12/2021 2:03 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi xalay uu ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.