3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Sabti, Juun, 12, 2021  (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi xalay uu ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa dhacay fiidnimadii Xalay kadib rag hubeysan oo xiran dharka ciidanka Militariga Soomaaliya weerar ku qaadeen goob maqaaxi ah oo aay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku taala bartamaha magaalada Dhuusamareeb, iyadoona goobta aay isaga baxsadeen ragii geystay weerarka.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku dhimatay sadex qof oo shacab ah waxaana uu dhaawac kasoo garaay laba qof oo kale, kuwaas oo la geeyay xarun Caafimaad oo ku taala Dhuusamareeb oo lagu dabiibayo.

Qaar ka mid ah dadka dhintay ayaa magacyadooda lagu sheegay Liibaan Cumar iyo Cumar Nuur Colow, waxayna ka mid ahayeen ganacsatada magaalada Dhuusamareeb.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkan lagu beegsaday dadkan ganacasatada ahaa, waxaana magaalada Dhuusamareeb saaka ilaa xalay howlgalo ka wada ciidamada Booliiska Soomaaliya, kaasoo aay ku doonayaan iney gacanta kuso dhigaan ragii weerarka geystay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/12/2021 11:55 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.

6/12/2021 10:58 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in isbahaygsigu uu guul u yahay mucaaradka isla markaana aanu wax cusub ahayn.

6/12/2021 9:57 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Dowladda Sacuudi ayaa maanta shaacisay in Xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya dadka muwaadiniinta ah ee ku nool gudaha wadanka Sacuudiga.

6/12/2021 9:23 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu qorshaynayo in si xanaf la’aan ah ay doorashada mayorada iyo shirgudoonka wakiiladu kusoo dhamaato.

6/12/2021 8:49 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan kaas diiradda lagu saaray xaalada dalka.

6/12/2021 6:37 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Gagaduud ayaa sheegaya in halkaasi nin hubeysnaa uu dil ugu geystay nin oday ahaa oo la sheegay inuu ku sugnaa gurigiisa xiliga la dilay.

6/12/2021 6:24 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta ku dhawaqday in la qaaday xayiraadii lagusoo rogay addeega lacagaha danabaysan ee sintiyada dollarka ee ay bixiyaan shirkaddaha isgaarsiinta ee ka howlgalla deegaanadeeda.

6/12/2021 6:05 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya qaababka dib loogu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya.

6/12/2021 5:43 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabo gal ah oo aay ciidamo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab klu qaadeen Kolanyo gaadiid ah oo aay wateen ciidamada Kenya oo ku socdaalayay deegaano ka tirsan degmada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

6/12/2021 4:46 AM EST
Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminaayo Safiirka Soomaaliya u fadhiyada dalka Turkiga Jaamac Ceydiid Maxamed ayaa gaaray magaalada Baku ee Caasimaadda wadanka Azerbaijan.