4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 9 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan kula qaatay magaalada Kismaayo Taliska AMISOM

Jimco, Luulyo, 9, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay magaalada Kismaayo Taliska ciidamada AMISOM ee loo yaqaano Sector 2 ee ka howlgalada deeganada Jubbaland.

Kulanka ayaa ahaa mid saacado badan qaatay kaasoo looga hadlay arrimaha amniga guud ahaan deegaanada Jubbaland, waxaana qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya.

Waxyaabaha sida weyn kulanka loogu gorfeeyay waxaa ka mid ahaa sugida amniga doorashooyinka dalka, iyo iskaashiga howlagalada si gaar ah in looga wada shaqeeyo arrimaha amniga iyo xasiloonida deegaanka.

Kulankan uu Raysal wasaaraha Soomaaliya la qaatay madaxda sar sare ee AMISOM iyo kuwa Fedaraalka ee dhanka amniga ayaa qeyb ka noqonaya kulamo kala duwan oo uu Raysal wasaare Rooble kula yeelanayay magaalada Kismaayo qeybaha kala duwan ee maamulka Jubbaland tan iyo markuu halkaasi gaaray.

Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay u duulaan magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana magaalada Garbahaareey lagama dareemaya qabanqaabo xoogan oo la xariirta soo dhaweynta wafdiga Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]