3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2021
Puntland oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare
 

Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ee fasalka 4-aad dugsiyada sare, waxayna soo bandhigtay tobankii arday ee ugu sareeyay guud ahaan imtixaanka.

Yacquub Mursal Yuusuf oo ahaa arday katirsanaa dugsiyada sare ee Bosaso Public ayaa kaalinta koowaad u galay imtixaankii shahaadiga ahaa.

Kaalinta labaadna waxaa galay, Cadnaan Cabdi Yaasiin oo ka socday dugsiga sare ee Imaamu Shaafici oo kuyaala Bosaso, halka uu kaalinta 3-aad galay Axmed Luqmaan Maxamed oo ka socday dugsiga sare ee Ugaas Yaasiin ee kuyaala Bosaso.

Saddex gabdhood ayaa kasoo muuqday toban arday ee ugu sareeyay natiijada imtixaanka, iyadoo sanadkii lasoo dhaafay ay kaalinta koowaad imtixaanka u gashay gabadh ardayad ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa u hambalyeeyay Ardeyda Dugsiyada Sarre ee  Puntland, gaar ahaan 10-ka Ardey ee sanadka Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad.

Madaxweye Deni, ayaa dhammaantood u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo inay ka mirro dhaliyaan aqoonta la baray iyo dadaalka waalidiinta iyo macalimiintoodu ku bixiyeen.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/8/2021 2:28 PM EST
Khamiis , Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in xisbigiisu diyaar uyahay furista ururada siyaasada.

7/8/2021 9:45 AM EST
Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - La taliyaha arrimaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo, Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in maanta loo diiday inuu ka dago magaalada Kismaayo, diyaaradii uu la socdayna dib loogu celiyo Muqdisho.

7/8/2021 8:47 AM EST
Khamiis , Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Boqolaal kamida dadwaynaha reer Hagaysa, ayaa ka qayb qaadanaya ollole lagu nadiifinayo dooxa wayn ee Hargaysa, oo uu hogaaminayo maayirka cusub ee Hargaysa.

7/8/2021 6:20 AM EST
Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Waxaa maanta si rasmi ah loo shaaciyay natiijada Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2020-2021 ee dugsiyada gobolka Banaadir.

7/8/2021 5:23 AM EST
Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dalka Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa isku dhiibay Booliiska dalkaasi si ay ugu bilaabato 15 bilood oo xabsi oo uu ku muteystay amardiido uu ku sameeyay maxkamada dastuuriga ee dalka Koofur Afrika.

7/8/2021 2:41 AM EST
Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf Jaamac (Jaamac Dabaraani), ayaa jawaab ka bixiyay hadal kasoo baxay wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, kaasoo madaxweynaha Puntland ku eedeeyay inuu faro galin ku hayo doorashada aqalka hoose ee ka dhacaysa Puntland.

7/8/2021 2:30 AM EST
Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Xalay toogasho ku dilay nin ku hubeysna qoriga AK-47, kaasoo la sheegay inuu doonayay inuu carqaladeeyo dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Balcad.

7/8/2021 2:23 AM EST
Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya ayaa dacaayad lagu suurad xumeeyo horrumarada laga sameeyey dhinaca Kalluumeysiga ku tilmaamtay warbixin kasoo baxday urur caalami ah oo daraasadeeya dambiyada abaabulan ee caalamiga ah, oo magaciisa loo gaabiyo Global Initiative.

7/8/2021 1:50 AM EST
Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyahii ciidamada Booliiska qeybta gobolka Sh/hoose ee maamulka Koofur Galbeed Gaashaanle sare Muuse Cabduqaadir.